Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay inuu amar ku bixiyey in diblumaasiyiin gaadhaya 755 oo Maraykan ah ay ka baxaan wadanka Ruushka.

Ruushka ayaa illaa 1da bisha September u qabtay Maraykanka inay kala baxaan diblumaasiyiintaas safaaradooda Moscow, arrintan oo looga jawaabayo cunaqabateyn uu ansixiyey Baarlamaanka Maraykanka in la saaro dalka Ruushka.

Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanka ayaa ansixiyey in cunaqabateyn horleh la saaro Ruushka taasi oo jawaab u ahayd farogalintii la sheegay inuu Ruushka ku sameeyey doorashadii Maraykanka ee 2016 iyo waliba dagaalada uu Ruushka ka wado Ukraine iyo Siiriya.

Putin ayaa sheegay in ay hada ka dhamaatay dulqaadkii isla markaana ay lama huraan noqotay in jawaab laga bixiyo tilaabooyinka ay Maraykanka qaadeen, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dal uusan mudooyinka soo socda uusan hagaagi doonin.

Ruushka ayaa sidoo kale sheegay inay la wareegi doonaan labo guri oo ay Safaarada Maraykanka ku leedahay dalkooda taasi oo looga jawaabayo la wareegidii Maraykanka la wareegay guryo Ruushka uu ku lahaa Maraykanka, tilaabadaasi oo ay horey u qaaday xukuumadii Obama bishii December ee sanadkii lasoo dhaafay.

Tirada Diblumaasiyiinta Maraykanka ee Moscow laga saarayo ayaa ah kala bar shaqaalihii Safaarada Maraykanka ee wadankaasi Ruushka. Xukuumada Moscow ayaa sheegtay inay sidoo kale weli ka fekerayso inay xayiraad kale oo dheeraad ah sii saarto Maraykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay