Magaalada Edmonton Caasimada Gobalka Alberta waxaa maanta kulan isugu yimid Gudi ka kooban bulshada qeybaheeda kala duwan oo loogu talagalay Abaabulka jaaliyada soomaalida Ogadenia ee wadanka Canada iyo guud ahaan bulshooyinka ku dhaqan wadankaasi.

Shirkan oo ka dhacay markii ugu horeysa Xafiiska Edmonto -Canada ayaa lagaga dooday howlaha horyaala gudigan oo ah mid loogu talagalay inay kor uqaado wacyi galinta shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Canada iyo shucuubaha kala duwan ee ku nool Canada, si’ay wax ugala qabtaan dhibaatada gumeysiga Ethiopia mudada dheer ku soo hayay shacabka Soomaalida Ogadenia.

Shirkan oo socday mudo saacada ah ayaa waxaa ka soo baxay Qodoba dhoor ah, kana mid ahaaa Abaabulka iyo in si balaadhan loo xuso sanadka 15-8-2017 ,kuna beegan maalintii Aas-aaska aaya katashiga shacabka Ogadenia.

ONA

Edmonton

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay