Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in xabsiyada wadanka Itoobiya ay kudhinteen maxaabiis aad ubadan oo u xidhnaa kooxda TPLF iyo ciidamadeeda manaxayaasha ah ee ay ku adeegtaan.

Sida xogta aan kuhelay waxaa xabsiyada wadanka Itoobiya sanadkan kudhintay tiradii ugu badnayd oo maxaabiis ah, kuwaas oo kooxda TPLF ee wadanka ku amar kutaaglaysa ay uqoonsadeen xoriyadooda iyo madax banaanidooda shakhsiyadeed.

Tirakoob rasmi ah oo lasameeyay ayaa lagu ogaaday in ay xabsiyada iqaabta ee wadanka Itoobiya kuyaala kudhinteen 529 qof oo u dhimatay daryeel la’aan iyo dayac ay ugaysteen askarta jeelasha ee wayaanuhu ay u carbiyeen dhibaataynta shacabka.

Sida aan todobaadkii hore idiin soo gudbinay waxaa xabsiga dhexe ee magaalada Addis Ababa kudhintay wariye caan ah oo mudo dheer kuxidhnaa xabsiga, waxaana lasheegayaa in uu wariyuhu dhintay kadib ciqaab daa’im ah oo lagu hayay iyo daryeel la’aan aad ubadan.

Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo wadamada dunida ayaa aad ucanbaareeyay falka foosha xun ee taliska wayaanuhu uu kula dhaqmay dadka maxaabiista ah ee kumanaanka ah ee u xidh xidhan arimaha laxidhiidha siyaasada.

Jeelka wayn ee lagumagacaabo Jeel-ogaadeen ayaa lasheegay in uu yahay midka ay iqaabta ugu badan kadhacdo isla markaana dhimashada ugu badan ay kajirto, waxaana warbixinta lagu sheegay in ay Jeel-ogaadeen kajirto masiibo bini’aadam nimo oo mudo dheerna kasii jirtay.

Sikastaba ha ahaatee kooxda TPLF ayaa ah dhagoole yaal aan maqal hadalada iyo talooyinka loosoo jeedinayo, isla markaana kooxda ayaan wax dan ah kalahayn cambaaraynta loosoo jeediyo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay