War dag dag ah oo hada soo dhacay ayaa sheegaya in baarlamaan kusheega wadanka Itoobiya laysugu yeedhay, sida xogta aan kuhelayno baarlamaanka wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa indhawaalaba fasax kujiray waxaana lasheegayaa in hada amar lagu siyiiyay in ay iska sooxaadiriyaan xarunta baarlamaanka.

Warka ayaa intaas kudaraya in kulanka dag daga ah ee baarlamaanku uu kadambeeyay kadib markay meel xun gaadhay kala qaybsanaantii kooxda TPLF, sida aan lawada soconay waxaa siwayn isugu dhacay labada Janaraal ee ugu sareeya ciidamada gumaysiga oo kala ah taliyaha ciidanka sirdoonka Genaral Getachew Asafa iyo taliyaha ciidamada mulatariga wayaanaha Genaral Samore Yonis.

Ismaan dhaafka labada Janaraal ayaa sababay in xabsiga ladhigo 44 qof oo saraakiil sar sare iyo ganacsato isugu jira, kuwaas oo dhamaantood lagu eedeeyay in ay musuq maasuq baahsan faraha lagaleen.

Dadkan laxidh xidhay ayaa lasheegayaa in ay dhamaantood katirsanaayeen garabka Janaral Samore Yonis waxayna arintu umuuqataa in ay xoog leeyihiin garabka Janaral Getachew Asafa oo ah taliyaha ciidanka sirdoonka wayaanaha.

Dadka laxidhay ee musuqa lagu eedeeyay waxaa kamid ahaa haweenayda udhaxday gudoomiyihii hore ee ururka TPLF Abay Sahay waxaana lasheegayaa in ay haweenaydu taageere wayn u ahayd Genaral Samore Yonis.

Sikastaba ha ahaatee kulanka dag daga ah ee baarlamaanka ayaa lasheegayaa in lagu doonayo in ay xaaladaha taagan dhex galaan isla markaana ay xasaanada kaqaadaan qaar kamid ah baarlamaanka oo uu kamid yahay Abay Sahay si looxidho.

Wixii arimahan kasoo kordha kala soco ONA hadii Alle idmo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay