War dag dag ah oo hada naga soo gaadhay wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaalo fool kafool ah oo ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa gumaysiga Itoobiya kudhex maray meelo katirsan wadanka Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo aad ucul culus oo xaqlayaasha udagaalama xoraynta wadanka Ogadenia iyo ciidanka doolka kujooga wadanka Ogadenia ee gumaysigu soo uruursaday.

Sida xogta aan kuhelayno dagaal xoogan ayaa maanta galinkii dambe kadhacay deegaanka Daabiri oo Dagmooyinka Jilicsani iyo Jigjiga udhaxeeya waxaana lasheegayaa in dagaalkan loogu awood sheegtay ciidanka wayaanaha, halkaas oo sida lasheegayo loogu gaystay khasaare aan wali lasoo faah faahinin.

Sidoo kale dagaal aad uculus oo isna maanta oo Talaado ahayd kadhacay deegaanka Dawacolay oo dagmada Awaare katirsan ayaa lasheegayaa in uu wali kasocdo deegaanada udhaxeeya Awaare iyo Yoocaale waxaana lasheegayaa in ciidanka wayaanaha oo isu habarwacday cashiro waawayn loogu dhigay dagaalka kasocda deegaanka Dawacalay iyo dhulka kuxeeran.

Dagaaladan oo dhacay maanta oo Talaado ah taariikhduna ay kubeegantahay 1/8/17 ayaa larumaysan yahay in ay galaafteen nolosha askar badan oo kuwa wayaanaha, waxaana lasheegayaa in ciidanka JWXO ay gacanta ugaleen qaar kamid ah ciidanka gumaysiga ee lasoo lugooyay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay