Wararka naga soo gaadhaya wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya arin khatar ah oo ka dhex jirta kooxda TPLF iyo guud ahaan xafiisyada looga arimiyo wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Sida warku sheegayo saraakiisha ugu saraysa kooxda TPLF ayaa bilaabay in ay khaarajiyaan saraakiisha yar yar ee lasocday xaaladaha musuq maasuq ee xafiisyada taliska wayaanaha kasocday waxaana lasoo tabinayaa tiro saraakiil ah oo naftooda waayay.

Warka ayaa intaas kudaraya in ay jiraan saraakiil badan oo lakhaarajiyay todobaadadii ugu dambeeyay iyo qaar wadanka kabaxay kadib markay dareemeen culayska lasaaray iyo qorshaha lala maagan yahay, waxayna saraakiishu si firxad ah ugaleen wadamada dariska la ah wadanka Gumaysiga Itoobiya.

Arintan ayaa kadambaysay kadib markay saraakiisha sar sare ee wayaanuhu ay ogaadeen cida musuqa ay samaynayaan makhraatiga ka ah in ay yihiin saraakiisha hoos hoose iyo waliba dadka xafiisyadooda udhadhaw.

Dhinaca kale waxaa bilaabatay in ay saraakiisha sar sare qudhoodu isminjo xaabinayaan iyagoo kabaqaya in uu midba midka kale kucadeeyo wixii ay isla dhaceen waxaana ilaa iyo hada la ogaaday tiro kamid ah saraakiisha oo la khaarajiyay.

Arinta musuqa ayaa sanadihii udambeeyayba caan ka ahaa wadanka gumaysiga Itoobiya, waxaana larumaysan yahay in ay kooxda TPLF lunsatay malaayiin lacag ah oo wadanka deeq ahaan loosiiyay iyo lacago badan oo gudaha kasoo xaroodaba isugu jira.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay