Aqalka sare ee Mareykanka loga taliyo ayaa cod ku ansixiyay in Christopher Wray uu noqdo agaasimaha cusub ee Wakaalada Dambi Baadhista (FBI) da Mareykanka.

Xilka Christopher Wray hadda loo dhiibay ayaa tan iyo bishii May ee sanadkan aysan jirin cid haysay kaddib markii Trump uu xilka ka xayuubiyay James Comey oo xilligaasi ahaa agaasimaha FBI-da Mareykanka. Comey ayaa xilkiisa ku waayay sababo la xiriira baadhitaan ka dhan ah faragelin lasheegay in Ruushka uu ku sameeyay doorashadii madaxtinimada Mareykanka ee guushu ay ku raacday Trump.

Christopher Wray ayaa ahaan jiray mas’uul sare oo ka tirsan waaxda caddaaladda Mareykanka, waxa uuna la soo shaqeeyay madaxweyne George W Bush. Wray ayaa aqlabiyaddii loo baahnaa ka helay dhammaan xubnaha labada xisbi ee ka tirsan guddiga garsoorka ee golaha sare kaddib kalfadhi guddigani yeeshay bishii la soo dhaafay, xilligaasi oo uu muujiyay sida uu u tixgelin doono dastuurka Mareykanka.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay