Wararka naga soo gaadhaya dalka Canada gaar ahaan magaalada Toronto ayaa tibaaxaya in Booliska magaalada Toronto ay ugaadhsanaya nin wajiga soo duubtay oon haybtiisa lagaranaynin kaas oo habeenkii Isniinta ahayd ee lasoo dhaafay toogasho ku dilay laba ruux oo uu mid ka midkood ahaa Soomaali.

Booliska Toronto ayaa intaas ku daraya in ninkan la raadinayo uu sidoo kale dhaawacay afar qof oo kale. Waxaana kamid ahaa dadka uu ninkan dhaawacay wiil Soomaali ah oo maalinimadii talaadada ahayd lagu dilay isla magaalada Toronto.

Waxaa intii mudo ah kusoo badanayay dilalka iyo weeraro dhimasho iyo dhaawacba gaystay oo ka dhacay meelo kamid ah dalka Canada. Dhalinyarada Soomaalida ee ku dhalatay ama ku barbaartay wadamada Qurbaha ayaa qayb wayn ka qaatay fal-dambiyeedyo badan oo ka dhacay qaaradaha Yurub iyo Waqooyiga America.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay