Wafti katirsan Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee wadanka Dermark ayaa hada ka amba baxay magaalada Copanhegan ee caasimada wadanka Dermark.

Waftigan oo isugu jira mas’uuliyiin sarsare oo katirsan Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo madaxda Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Dermark ayaa ukicitimay magaalada Frankfurt ee dalka Germany, halkaas oo uu kafurmidoono shirsanadeedkii Jaaliyadaha Soomaalida Ogadenia ee Aduunka.

Waftigan oo uu horkacayo mudane Janaral Cabdulaahi Mukhtaar oo kamid ah madaxda Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa galabnimada maanta oo Khamiis ah ka amba baxay xarunta Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Dermark.

Shirka Jaaliyadaha S.ogadenia oo sanadkiiba mardhaca ayaa maalinnimada bari ah oo Jumce ah kafurmidoona magaalada Frankfort ee wadanka Jarmalka, halkaas oo hadii Alle idmo lagu wado in lagaga hadlidoono arimo aad ubadan oo halganka wax tar uleh.

Shirka jaaliyaadka iyo hadba wixii kasoo kordha kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay