Madaxweynaha muddada dheer xilka hayey ee dalka Ruwanda Paul Kagame ayaa mar 3aad ku guuleystey doorashadii shalay ka dhacdey dalka Ruwanda.

Mr. Kagame ayaa helay codad ka badan 90 boqolikiba, sida laga soo xiganayo guddiga doorashooyinka ee Ruwanda. Labada musharax ee la tartamaayey ee kala ahaa Frank Habineza iyo Philippe Mpayimana ayaa midkastaa helay wax ka yar 1%.

Kagame ayaa u baahnaa 51% in uu mar 3aad ku guuleysto hoggaaminta Ruwanda. Guddiga doorashada ee Ruwanda ayaa sheegaya in ka qaybqaadashada doorashadu ay ahayd 97%, waxaana codadkooda dhiibtey 6.9 Milyan oo qof.

Dastuurka Ruwanda ayaa wax laga bedalay si Kagame loogu oggolaado in uu mar 3aad u tartami karo xafiiska, sidoo kale waxaa wax laga bedalay muddada xilka Madaxweynaha oo laga dhigay 5 sano halkii ay markii hore ka ahayd 7 sano.

Paul Kagame ayaa hogaaminayey jamhadii Tutsiga ee dalkaasi gacanta ku dhigtay sanadkii 1994, kadib markii uu mideeyey shacabkiisa, wuxuuna horey ugu soo guuleystay labadii doorasho ee dhacday 2003 iyo 2010, labadaasi goor oo uu helay codad ka badan 90% codbixinta.

Shacabka Rwanda ayaa ku taargeeysan Paul Kagame isbedalka amniga iyo dhaqaalaha uu sameeyey intuu xilka hayey, iyadoo Rwanda ay xiligan ku jirto wadamada ugu dhaqaalaha fiican Afrika.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.