waxaa galabta shir isuguyimid magaalada Toronta  Gudiga qaban qaabada iyo Abaabulka Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee wadanka Canada , Shirkan ayaa  waxaa uu daba socdaa  Shirar  kor loogu qaadayo Howlaha  Halganka gobanimadoonka ay hormoodka u tahay Jabhada Wadabiga Xoreynta Ogadenia oo ka dhacay Gobalka ay ka mid tahay  Alberta.

Shirka galabta ka dhacay Toronto oo qaatay saacado badan ayaa lagag dooday shaqooyinka horyaala Jaaliyada Ogadenia  ee wadanka Canada iyo Munaasabad  balaadhan oo  la qorsheeyay inay ka dhacdo Toronto 18 Bishan August 2017.

Shirkan oo ka qeybgaleen masuuliyiin kamid ah JWXO iyo howl wadeenka Jaaliyada Canada  ayaa ugu danbentii lagu soo gaba gabeeyay gudiyo kala duwan, loona idmaday inay qabtaan munaasabada ka dhacaysa wadanka Canada oo loogu talagalay umada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada  iyo in lagu baraarujiyo  dhibaatada Gumeysiga Indhahala ee Ethiopia, waxaana  loogu magacdaray Munaasabada (Wax lakala horjoogaba isu soo hiloowday)

  

ONA.

TORONTO

CANADA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay