Masjidka Darul Faruq ee magaalada Bloomington gobolka Minnesota ayaa salaadii subax ee Sabtidii lagu weeraray bom kaas oo aan geysan khasaare nafaeed. Xiliga Bomka Masjidka lagu soo tuurey ayey ahayd salaadii subax kadib, waxaana lala beegsadey daaqadda xafiiska Imaamka Masjid Sh. Waliid.

Richard Thorton oo ka tirsan FBI-da Maraykanka ayaa sheegay in ay baadhayaan in weerarkaani ahaa mid nacayb ku yimid. Thorton ayaa sheegay in qaraxa uu sababey bom la farsameeyey improvised explosive device (IED).

Asad Zaman ayaa warbaahinta u sheegay in qof gaadhi wata uu wax ku tuuray daaqada Imaamka ee Masjidka, kadibna uu abxsadey. Marar badan ayaa masaajido ku yaala dalka Maraykanka weeraro caynkan oo kale ah loo geystey. War ka soo baxay Jamciyadda Muslimiinta gobolka Minnesota ayaa lagu canbaareeyey weerarkan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay