Hay’adda socdaalka ee caalamiga ah ee magaceeda loosoo gaabiyo IOM ayaa sheegtey in dooni sidey dad tahriib ah oo ka badan 100 qof ay ku dejisey ka hor inta aysan gaadhin xeebta dalka Yemen todobaadkan, waxaana halkaas ka dhacdey geeri aad u foolxun.

Hay’adda IOM ayaa sheegtay in dhacdadan ay dhacday mar aan fogeyn ayna heleen xabaasha qaar kamid ah dadkan oo si wadar ah loogu aasey meel aan ka fogeyn xeebta. Qaar ka badbaadey doonida sida dadkan tahriibka ah ayaa si khasabka ah looga dejiyey ayaa sheegay in ay tiro ahaan ahaayeen 120 qof oo ka yimid Soomaaliya isugu jirey Soomaali iyo Itoobiyaan.

IOM ayaa sheegtay ilaa hadda inta la hubo geeridoodu ay tahay 50 qof. Hay’adda IOM ayaa sheegtey in sanadkan oo keliya 55,000 kun oo qof u tahriibeen dalka dagaaladu ka socdaan ee Yamen si ay uga sii gudbaan dalka Suudaan kadibna at liibiya uga sii gudbaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay