War qoraal ah oo kasoo baxay safaarada dowlada Maraykanka ee fadhigeedi yahay magaalada Addis Ababa ee wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa digniin xoog leh lagu siiyay muwaadiniinta Maraykanka ah ee kusugan wadanka gumaysiga Itoobiya.

Safiirka Maraykanka ee Addis Ababa ayaa qoraalkiisa kaga warbixiyay xiisad xoogan oo kajirta wadada dheer ee isku xidha magaalooyinka Harar iyo Jigjiga, halkaas oo maalmihii lasoo dhaafay uu kasocday dagaal aad uculus oo udhaxeeya labada qoomiyadood ee Soomaalida iyo Oromada.

Dagaalkan oo sida ay safaaradu sheegtay khasaare aad ubadan gaystay ayaa sababa in ay istaagaan dhamaan gaadiidkii adeegsan jiray wadada dheer ee halbowlaha ah, taas oo sida lasheegayo ah wadada ugu mashquulka badan guud ahaan wadooyinka magaalada Addis Ababa soogala.

Warka qoraalka ah ee kasoo baxay safaarada wadanka Maraykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta Americanka ah ay kafogaadaan kusafarka wadada dheer ee isku xidha magaalada Jigjiga iyo magaalada xarunta ah ee Addis Ababa, waxayna safaaradu muwaadiniinteeda usharaxday khatarta kaga imaan karta safarka wadadaas.

Dagaalka udhaxeeya labada qoomiyadood ee walaalaha ah ayaa yimid kadib markii taliska wayaanuhu uu mudo mashquul ku ahaa sidii uu isaga horkeeni lahaa labada qoomiyadood ee ugu miisaanka culus qoomiyadaha lagumaysto, wuxuuna gumaysigu dagaalkan kubixiyay kharash aad ubadan.

Sidoo kale taliska wayaanaha ayaa dagaalkan uwakiishay labada maamul kusheeg ee Ogadenia iyo Oromia umatala wayaanaha, wuxuuna dagaalku gaadhay heer dumarka iyo caruurtaba lalaayo.

Khasaaraha dagaaladan ayaa lagu soo waramayaa in uu aad ubadan yahay, waxaana wali goobaha dagaalka lagusii daldalayaa dhalin yaro aad ubadan oo udhashay labada qoomiyadood kuwaas oo labada maamul kusheeg ay si xoog ah kugaynayaan furinta dagaalka.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.