Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya dagaal culus oo Ciidanka Wadaniga Xoraynta Ogadenia iyo kuwa Gumaysiga Itoobiya kudhex maray gudaha wadanka lagumaysto ee Ogadenia.

Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa sheegaya dagaal saacado socday oo naftood hurayaasha qalabka sida ee JWXO iyo ciidanka wayaanaha ee sida sharci darada ah kujooga Ogadenia.

Dagaalkan oo ahaa mid faraha laysula tagay ayaa kadhacay deegaanka Abqaale oo Dagmada Dhanaan ee Gobolka Shabeelle katirsan, wuxuuna dagaalku dhacay Arbacadii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu kubeegnayd 9/8/17.

Dagaalkan oo sida lasheegayo ciidanka wayaanaha khasaare badan loogu gaystay ayaan kudaba jiraa faahfaahinta dhabta ee khasaaraha cadawga ee dagaalkaa, waxaase laxaqiijinayaa in ciidanka JWXO uu ugacan galay hub fara badan.

Wixii faahfaahin ah ee kusaabsan dagaalka Abqaale iyo dagaalada kale ee lagu xoraynayo wadanka Ogadenia kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.