Waxaa shir balaadhan oo si heer sare ah loosoo agaasimay ku qabtay wadanka koonfur Afrika gaar ahaan magaalada Johannesburg ururka haweenka Ogadenya (UHO) shirkan ayaa waxaa loo qabtay haweenka somaliyeed ee ku dhaqan magaalada Johannesburg waxaana kasoo qayb galay dumar badan oo soomaaliyeed.

Shirka ayaa waxaa looga gol lahaa sidii kor loogu qaadi lahaa wacyiga hawenka somaliyeed ka haystaan halganka JWXO ee lagu baadi goobayo xoriyada dadka lagumaysto ee Ogadenya shirkan ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamida maamulka jaaliyada Ogadenya oo uu ugu horeeyo gudoomiyaha Jaaliyada Ogadenya ee wadanka Koonfur Afrika Mudane Mohamed Daahir kaasi oo shirka furay una jeediyay qud bad balaadhan ka hadlaysay halganka Ogadenya iyo ahmiyada wayn ee u lee yahay guud ahaan ba umada somaliyeed.

Shirka ayaa waxaa lagusoo dhaweeyay gudoomiyaha ururka haweenka Ogadenya Faraca koonfur Afrika Marwo Xaliimo Mohamed waxayna dhankeeda ka hadashay jiritaanka somalinimada iyo umada somaliyeed ay cadawga meel uga soo wada jeed sadaan ayna soo ceshadaan sharaftii iyo karaamadii lagu yaaqaanay.

Shirka ayaa waxaa sidoo kale ka hadlay qaar badan oo kamid ah haweenkii somaliyeed ee kasoo qayb galay ayagoo dhan kooda sheegay inay halganka ka socda dhulka somaliyeed ee lagumaysto ay la ragab taagan yihiin hiil iyo hooba ayagoo sheegay in ay waajib ku tahay shaqsi kasta oo somali ah inuu difaaco dhulka somaliyeed ee gumaysigu xooga ku haysto.

Shirka ayaa waxaa gaba gabadii soo xidhay dhawr kalmadood na ka jeediyay hogaanka Warfaafinta ee ururka haweenka Ogadenya (UHO) Marwo Kawsar ayadoo u mahad celisay dhamaan kasoo qayb galayaashii shirka iyo gudiigii soo abaabulay shirka sidoo kale kula dar daarantay haweenkii somaliyeed in ay sii xoojiyo taageerada hiil iyo hooda ah ay mar walba la garab taagan yihiin halganka Ogadenya.

Shirka ayaa wuxuu gaba gabadii kusoo dhamaado si guul ah.

ONA/K.Afrika.

     

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.