Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ciidanka wayaanuhu ay xabsiga dhigeen maareeye xigeenkii warshadaha sonkorta Itoobiya.

Ninkan xabsiga ladhigay oo ahaa kuxigeenkii Abay Sahay xiligii uu maareeyaha warshadaha sonkorta ahaa ayaa lagu eedeeyay in uu lunsaday 800 oo milyan oo bir, taas oo sida lasheegay lawaayay xiligii Abay Sahay uu Maareeyaha ahaa.

Sidoo kale waxaa todobaadkii tagay laxidhay xaaskii Abay Sahay oo kamid ahayd dadka ay isugu dhawyihiin Janaraalka taageerayaashiisa la ugaadhsanayo ee Samore Yonis, dhinaca kale waxaa toobaadkii tagay xabsiga ladhigay dad kor udhaafaya 50 qof oo kamid ah saraakiisha ugu sarsaraysa kooxda TPLF.

Xidhayga xaaska Abay Sahay iyo kuxugeenkiisii xiligii uu maareeyaha ahaa ayaa lagu tilmaamay Madax libaax lo’u maleefto, waxaana lasheegayaa in xubnahan laxidhay kadib markii lagu dhici waayay xidhayga Abay Sahay oo ah shakhsi awood badan kudhex leh kooxda TPLF.

Musuq maasuqa ayaa guud ahaan wadanka Itoobiya ka qaan gaadhay waxaana hada soobaxday in saraakiisha ugu saraysa ay isku eedeeyaan in ay hanti lunsadeen iyo in ay wax isdaba mariyeen.

Dhinaca kale dowladihii iyo hay’adihii deeqaha siin jiray Itoobiya ayaa waayay cid ay aaminaan iyo meel ay wax mariyaan toona, waxaana muuqata in ay sare usii kacday macaluushii wadanka kajirtay.

Sidoo kale xog rasmi ah oo ay heshay wakaalada wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in laboobay dahab aad ubadan oo yaalay inkabadan 2000 oo kaniisadood, kuwaas oo dhamaantood laboobay kaydkii dahabka ee mudada dheer la ilaalinayay.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.