Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya dagaal faraha laysula tagay oo dhex maray ciidanka wayaanaha iyo kuwa jabhada Gimbot 7 Arbanyoj.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalka ayaa kadhacay duleedka magaalada Masala, waxaana lasheegayaa in ciidanka wayaanaha loogu awood sheegtay, dagaalka ayaa sida lasheegayo kubilowday weerar ay ciidanka Jabhadu kuqaadeen fadhiisin ay ciidanka gumaysigu halkaas kulahaayeen.

Bayaan kasoo baxay Jabhada Gimbot 7 ayaa lagu sheegay in ciidankii gumaysiga ee deegaanka Masala laga dhigay hal dhumay iyo hal dhaan raacay, sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in ciidanka Jabhada uu u gacan galay hub aad ubadan.

Dagaallo aad ubadan ayaa kasocda guud ahaan wadanka Itoobiya, waxaana ciidanka gumaysiga lagaliyay cidhiidhi meel ay joogaanba, todobaadkan waxaa wadanka Ogadenia kadhacay dagaalo aad uwaawayn oo ciidanka gumaysiga lagu naafeeyay, sidoo kale dagaalo ayaa laga soo tabinayaa Oromia, iyo gobolka Sidama.

Dhinaca kale ciidamada wayaanaha ayaa bilihii lasoo dhaafay aad uniyad jabsanaa kadib markuu khakhal wayn kadhacay nidaamkii guud ee TPLF, sidoo kale ciidamada ayaa lasheegayaa in ay kaniyad jabeen mushaar la’aan dhowr bilood ah.

Dhinaca kale kooxda TPLF ayaa kabaxday balantii ahayd in ay qaadayaan xukunkii dag daga ahaa ee caalamka ay maqashiisay in ay qaadayaan, waxaana isgoosyada waawayn ee magaalooyinka lagu arkayaa taangiyadii iyo ciidamadii 10 bilood kahor lakeenay, waxayna dadwaynuhu wali dareemayaan culayskii xukunkii dag daga ahaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.