Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in aanu meesha ka saareynin in ay farogelin Milteri ku sameeyaan Venezuela, kadib markii xaalada siyaasadeed noqotey mid degi waydey.

Trump oo ka hadley xaaladda dalalka Koonfurta Ameerika maalintii Jimacaha ahayd ayaa sheegay in Maraykanku haysto talooyin badan oo la kusaabsan dalka Venezuela, mid kamid ah talooyinkaasna uu yahay in ay farogelin ciidan ku sameeyaan, haddii loo baahdo.

Sida laga soo xiganayo xarunta Pentagon ee gaashaandhigga Maraykanka ma jirto wax amar ah oo uga yimid dhanka Madaxweynaha iyo wax is diyaarin ah oo la xidhiidha tallaabo laga qaado dalka Venezuella. Wasiirka Gaashaangigga ee dalka Venezuela Vladimir Padrino ayaa hanjabaada Trump ku tilmaamey waali cad.

Rabshadaha ka socda dalka Venezuella ee la xidhiidha doorashadii Madaxweynaha iyo weliba xaaladda dhaqaale waxaa ku geeriyoodey boqolaal qof, waxaana Qaramada Midoobey (QM) codsatay in baadhitaan madaxbanaan uu ka dhaco dalkaas.

Dalka Maraykanka ayaa horey dalal ay ka mid yihiin Panama iyo Haiti ugu sameeyey farogelin Milteri kuwaas oo dhaca Bartamaha Qaarada Ameerika. Qorshaha Trump uu ku dhawaaqey ayaa ka hor imaanaya ololihiisi doorashada ee ahaa in Maraykanku ahayn Booliska Caalamka, xoogana uu saari doono waxa loogu yeero America First.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay