Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ugu baaqay mucaaradka inay ka fogaadaan dibadbaxyada rabshadaha wata, islamarkaana diidmo kasta oo ay ka qabaan natiijada doorashadii dalkaas ka dhacday ay la aadan maxkamadda.

Kenyatta ayaa sidoo kale ugu baaqay booliska inay is-xakameeyaan marka ay la macaamilayaan dibadbaxayaasha iyo carrada ka dhalatay doorashadii dhacday sideeddii August.

Dhinaca kale, inkasta oo mucaaradka dalka Kenya ay shacabka ugu baaqeen inaysan shalay oo isniin ahayd shaqo tagin, ayaa haddana jawaabtii baaqaas laga bixiyey waxay u muuqatay mid xaddidan, ayada oo inta badan ganacsiga uu furan yahay noloshuna ay caadi kusoo noqotay.

Magaalada caasimadda ah ee Nairobi dukaamo badan ayaa dib loo furay shalay, islamakraana magaalada galbeed ee Kisumu ayaa markii ugu horreysay muddo maalmo ah waxaa waddooyinka socda baabuurta iyo basaska, oo aan shaqeyn tan iyo sideedii August.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.