Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in ay isdhiibeen orodyahano ay xukuumada wayaanuhu udirtay tartankii orodka ee lagu waday in uu ka dhaco wadanka Ingiriiska.

Sida xogta aan kuhelayno waxaa dowlada Ingiriiska magan galiyo siyaasadeed waydiistay 2 orodyahan oo wadanka gumaysiga Itoobiya umatalayay tartanka orodka ee kasocda wadanka UK.

Gabadh udhalatay qoomiyada lagumaysto ee Oromada oo tartankaas kaqayb gali lahayd oo warbaahinta lahadashay ayaa sheegtay in aysan kunoqon doonin wadankii Itoobiya, halkaas oo sida ay sheegtay ay dhibaatooyin kala duwan kuqabeen iyada iyo qaraabadeeduba, waxayna sheegtay in ay waligeedba raadinaysay fursad ay kubaxsato.

Sidoo kale gabadhan ayaa sheegtay in ay maqsuud ka ahayd sidii uu yeelay orodyahan ree Oromia ah oo sanadkii tagay iska dhiibay wadanka Maraykanka kaas oo sida ay sheegtay guulo usoo hoyiyay qoomiyada ladhibaateeyo ee Oromada isla markaana garab istaagay dadkiisa.

Ma aha markii ugu horaysay ee dad magac leh ay kagoostaan wadanka Gumaysiga Itoobiya, waxaana bilihii iyo sanadihii lasoo dhaafay isudhiibay wadamada dibada Fanaaniin, Orodyahano, Siyaasiyiin, Ganacsato iyo dad magac kudhex lahaa taliska wayaanaha.

Dinaca kale arinta baxsadka ayaa ah mid kasii daraysa maalinba maalinta kadambaysa, waxayna arimahan imaanayaan xili taliska wayaanuhu uu si khaldan umaamulayo wadanka, isla markaana uu cadaadis ugaysanayo dadka kudhaqan wadanka.

Arintan ayaa ceeb wayn iyo sharaf xumaba ku ah xukuumada wayaanaha, waxaana muuqata in aan lala noolaan karin taliska wayaanaha ee siyaasada qalafsan adeegsanaya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay