Xog rasmi ah oo aan kahelayno magaalada Addis Ababa ayaa muujinaysa in kala qaybsanaantii kooxda TPLF ee gudaha kajirtay ay gaadhay dibada, iyadoo siwayn wadamada dibada looga dareemay is minja xaabinta iyo isfaquuqa ka dhex jira kooxda TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ayaa si dag dag ah ugu yeedhay 5 kamid ah safiirada wadanka gumaysiga ee dibada, kuwaas oo sida lasheegayo xilkii laga xayuubiyay isla markaana qaar kamid ah ay wal wal wayn qabaan.

Xogtan oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa sheegaysa in xukuumada wayaanuhu ay uyeedhay safiirada kala ah
1 Girma Birru oo haraan u ahaa raysalwasaare xigeen oo wadanka Maraykanka Safiir ka ahaa
2 Siyum Mesfin oo wadanka Chena safiir ka ahaa
3 Tashome Tiga oo wadanka Belgium safiir ka ahaa
4 Naga Sageya oo wadanka France safiir ka ahaa
5 iyo Radwan Hussein oo wadanka Irland safiir ka ahaa.

Warka ayaa in taas kudaraya in Girma Birru oo fahmay ujeedada taliska wayaanaha uu ka cudur daartay imaatinka Addis Ababa isagoo sheegay in uu xanuun sanyahay, waxaana lasheegayaa in Girma Birru uu isu dhiibi doono wadanka uu safiirka ka ahaa ee Maraykanka.

Dhinaca kale dhamaan nimankan ayaa lasheegayaa in laga xayuubiyay xilkii safiirnimo iyadoo xubno kale oo nacamle yaal ah loo magacaabay dhamaan safaaradihii ay baneeyeen 5 shanta xubnood ee magacooda aan kor kusoo xusnay.

Sida ay xogtu muujinayso Siyum Mesfin oo ahaa shakhsi magac kudhex lahaa kooxda TPLF islamarkaana ahaa seediga kaligii taliyihii bakhtiyay ee Malis Zinawi ayaa lasheegayaa in laga dhigi doono howl gab iyadoo laga baqayo in uu saamayn wayn kuyeesho siyaasada qasan ee wadanka gumaysiga Itoobiya.

Arintan laxidhiidha safiirada xilkii laga qaaday ayaa lasheegayaa in ay lug kuleedahay kala qayb sanaantii kooxda TPLF ee baryahanba kajirta wadanka Itoobiya.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay