Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya khilaaf aad uxoogan oo sookala dhex galay taliska wayaanaha iyo ciidanka Booliiska ee Gobolka Axmaarada kahowl gala.

Sida xogta aan kuhelayno taliska wayaanaha ee kibirka iyo isla waynida kucaan baxay ayaa amar kubixiyay in ciidanka Booliiska wayaanuhu ay ilaaliyaan nafta iyo hantida qoomiyada Tigrey ee kusugan guud ahaan wadanka Itoobiya gaar ahaan Gobolka Axmaarada.

Warka ayaa intaas kudaraya insaraakiisha Booliiska ee Gobolka Axmaaradu ay ku gacan saydheen amarkii kasoo baxay taliska guud ee wayaanaha, waxayna saraakiishu sheegeen in aysan awood ciidan iyo mid dhaqaale toona uhaynin ilaalinta qoomiyada Tigreega ee dhulka ku firidhsan.

Sidoo kale saraakiisha Booliiska wayaanaha ee Gobolka Axmaarada ayaa sheegay in ay cadaalad daro tahay ilaalinta qoomiyad gaar ah iyadoo aan laga fikiraynin nolosha iyo xaaladaha qoomiyadaha kale ee wadanka Itoobiya lagu gumaysto.

Sida aan intiinii boga ONA kutaxnayd lasocod siinayba taliska wayaanaha ayaa odobaadkii tagay amar kubixiyay in guud ahaan Gobolka Axmaarada laga soo daabulo dadka shacabka ah ee qoomiyada Tigreega udhashay iyo maalkoodaba, waxaana sida lasheegayo Gobolka laga saaray dad aad ubadan oo Tigree ah iyo hantidoodiiba.

Amarkan labaad ee kasoo baxay taliska wayaanaha ayaa imaanaya kadib markay qaar kamid ah shacabkii Tigreegu sheegeen in aysan Gobolka kabixi karin arimo laxidhiidha warshado iyo beero ay kuleeyihiin iyo deegaan ay kasamaysteen.

Sikastaba ha ahaatee taliska Booliiska ee Gobolka Axmaarada iyo maamul kusheegaya wayaanaha u adeega ee Gobolka ayaa sheegay in aysan ilaalin karin shacabka Tigreega, waxayna sheegeen in cidii kanaxaysa ay ilaaliso ama wadanka ay kasaaraan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay