Hoggaamiyaha mucaaradka Kenya Raila Odinga ayaa sheegay shalay inuu maxkamad aadi doono, isagoo ka doodaya natiijada doorashaddii 8-dii bishan looga guuleystay ee dalkaasi ka dhacday .

Mr. Odinga ayaa u muuqda mid iska indha tiraya soo jeedinta kormeerayaasha caalamiga ah ee doorashada Kenya, oo sheegay in looga guuleystay si xalaal ah. Ilaa iyo 24 qof ayaa ku dhimatay dibad baxyo rabshado watay oo looga soo horjeeday guusha madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Odinga ayaan weli soo bandhigin caddaymo la xidhiidha eediisa ku aadan in doorashada lagu shubtay, laakiin waxa uu sheegay inuu maxkamadda hor geyn doono. Talaabadan uu Raila sharciga ku tiigsanayo, ayaa dhinaca kale culeyska ka qaadeysa shacabka Kenya, oo baqdin ka qabay inay soo cusboonaadaan rabshado doorashada ku xiriira.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.