Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta wadanka Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in taliska wayaanuhu uu joojiyay gabi ahaanba xafladii uu uqaban jiray shaqaalaha bangiyada.

Sida xota aan kuhelayno taliska siyaasada ku dhex khafiifay ee wayaanaha ayaa joojiyay xafladii sanadlaha ahayd oo uu uqaban jiray shaqaalaha bangiyada si loo kala ogaado bogaadinta ama dhaliilaha jira.

Warka ayaa intaas kudaraya in kooxda TPLF tu ay xafladan ujoojisay cabsi aad uwayn oo ay kaqabaan mudaharaado waawayn oo halkaas kabilowday, waxaana lasheegayaa in taliska wayaanuhu uu bilihii lasoo dhaafayba mashquul ku ahaa sidii uu ujoojin lahaa xafladaha ay dadku isugu yimaadaan.

Waxaa xusid mudan in xafladii uu taliska wayaanuhu ugu tala galay in lagu xuso dad Itoobiyaan ah oo wadanka Libaya lagu laayay, halkaas oo dadwaynuhu ay kabilaabeen mudaharaad balaadhan oo lagu dhaliilayo taliska wayaanaha.

Sidoo kale taliska wayaanaha ee mowjadaha siyaasaduhu ay sitaan ayaa joojiyay xafladii sanadlaha ahayd ee dadka qurba joogta ah looqaban jiray halkaas oo dhaqaale badana uu ka uruursan jiray, waxaana lasheegayaa in cabsi shacabka laga qabo owgeed looqaban waayay xaflada.

Iskusoo wada duub oo cimriga kooxda TPLF ayaa umuuqda in uu aad usoo gaabtay, waxaana la arkayaa kooxda oo hooskeeda kadidaysa labadii qof ee meel wada taagana u arkaysa cadawgeeda.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay