Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan, ayaa ku tilmaamay hogaanka Jarmalka mid “cadow” ku ah dalkiisa, asagoo ugu baaqay dadka asal ahaan Turkiga ka soo jeeda ee haysta dhalashada Jarmalka in aanay u codeyn isbahaysiga hadda u taliya dalkaasi.

Doorashada guud ee Jarmalka ayaa dhici doonta 24-ka September ee sanadkan, waxaana codkooda ka dhiiban doona ku dhawaad milyan qof oo Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga. Qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ayaa taageersan madaxweyne Erdogan.

Ma aha markii ugu horaysay ee uu Erdogan hadalo adag u adeegsado wadanka Jarmalka iyo hogaamintiisa. Labadan dal ayaa leh xidhiidh dhaqaale oo ballaadhan, sidoo kale waxay ka wada tirsan yihiin gaashaanbuurta NATO. Muranka u dhexeeya labada dal ayaa sii xoogaystay wixii ka dambeeyay isku-daygii afgambi ee Turkiga ka dhacay 15-kii July 2016, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 240 qof.

Xukuumadda Ankara ayaa Jarmalka ku eedeysay in ay magangelyo siisay askar loo haysto in ay qayb ka ahaayeen isku-daygaasi. Waxaa arinta uga sii daray markii uu Jarmalka u diiday mas’uuliyiin ka tirsan xisbiga madaxweyne Erdogan in ay olole ka sameeyaan gudaha dalkaasi, ayagoo xilligaa jaaliyadda Turkiga ah taageero uga raadinayay aftidii dhacday bishii April.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay