Dableey hubaysan oo looga shakisan yahay in ay ka tirsanyihiin kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegayaa in ay habeen hore weerar ku qaadeen tuulada Maleli oo ka tirsan deegaanka Wite ee Gobolka Lamu ee dalka Kenya.

Warbaahinta dalka Kenya ayaa warisay in saddex qof lagu dilay weerarkaasi kuwaasi oo la gawracay. Wargayska Daily Nation ee kasoo baxa dalkaasi ayaa sidoo kale qoray in maleeshiyada weerarka gaysatay ay guryo dab qabadsiiyeen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka weerarka ku dhintay ay yihiin afar qof, inkastoo madaxa amniga ee Gobolkaasi Gilbert Kitiyo uu sheegay in ay isaga soo gaadhay dhimashada sadedx qof.

Weerarkan ayaa yimid saacado ka hor marka xilkaasi loo dhaariyay badhasaabka cusub ee Gobolka Lamu Fahim Yassin Twaha oo dhawaan kuguulaystay xilka badhasaabnimo.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.