Dad aad utiro badan ayaa mudaharaad kala hortagay kooxo cunsuriyiin ah oo dibed bax ay ugu magac dareen “Xoriyadda Hadalka” ka dhigay magaalada Boston ee dalka Maraykanka.

Kooxaha cunsuriyiinta ah oo tiradoodo ay koobneyd, ayaa waxaa buuq iyo canaan kala hortagay dad diiddan afkaartooda xagjirka ah, waxaana markii dambe goobta ka kexeeyay ciidanka amaanka.

Xiisadan oo salka ku haysa cunsuriyadda ayaa ka taagan qeybo ka mid ah dalka Maraykanka, ka dib dibed baxyadii dhiigu ku daatay ee maalmo ka hor ka dhacay magaalada Charlottesville ee gobolka Virginia.

Wargeyska Boston Herald ayaa sheegay in dibedbaxan ka dhanka ah cunsuriyadda ay ka qeyb qaateen ku dhawaan 30,000 oo qof. Wariyeyaal saxaafada ka tirsan oo tegay meesha uu mudaharaadku ka dhacay ayaa sheegay in kooxaha cunsuriyiinta laga tiro batay, isla markaana la isugu geeyay meel kooban.

Rabshaddii ka dhacay Charlottesville ayaa ka dhalatay markii dad caddaan cunsuriyiin ah oo diiddan duminta taallo ay gacanta ula tageen dad kasoo horjeeda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay