War hada naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya xiisad xun oo halkaas kataagan kadib dagaal khasaare badan gaystay oo dhex maray ciidanka gumaysiga Itoobiya iyo dadka kacdoon wadayaasha ah ee qoomiyada Axmaarada.

Sida xogta aan kuhelayno dagaalka ayaa bilowday kadib markay dhalin yaro hubaysan weerareen xabsi wayn oo kuyaala Gobolka Axmaarada, waxaana lasheegayaa in uu dagaalku gaystay khasaare balaadhan oo aan wali lasoo faahfaahinin.

Warka ayaa intaas kudaraya in dablaydu ay xabsiga kasii daysay maxaabiis aad ubadan oo mudo uxidhnaa ciidamada wayaanaha, dadka shacabka ah ee xabsiga kabuuxay ayaa lasheegayaa in loohaystay kacdoonada kasocda Gobolka Axmaarada.

Ma aha markii ugu horaysay ee kacdoon wadayaashu ay weeraraan xabsi ama goob muhiim ah oo kutaala Gobolka Axmaarada, waxaana laxasuusan yahay xabsiyo ay shacabku dadkii ku xidhnaa kasiidaayeen kadibna ay gubeen.

Guud ahaan Gobolka Axmaarada ayaa laga soo sheegayaa in ay kala dambayntii luntay kadib markii qofkasta oo Gobolkaas kunool uu sharciga gacantiisa kuqaatay, waxaana la arkayaa shacabka oo iskood isu maamulaya.

Faahfaahinta kusaabsan dagaalkan iyo khasaaraha kadhashay kala soco ONA.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay