Wararka naga soo gaadhaya magaalada Adiss Ababa ee xarunta gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya in khilaafkii kooxda woyaanuhu uu sii xoogaystay waxaana maanta xafiiska Ra’isalwasaare Ku xigeen ku sheega woyanaaha Demanke Mekonnen oo ah madaxa xisbiga Axmaarada ee ANDM ee isbahaysiga EPRDF ka tirsan iyo Debretsion Gebremichael  oo ah ku xigeenka ururka TPLF  gacan isugu qaaday labadan Ra’isalwasaare ku xigeen ku sheega woyaanaha.

Kooxda woyaanaha ayaa baryhan  danbe ba waxaa kasii daraayay khilaafka u dhaxeeya waxaana maanta xafiiska woyaanaha gacan isugu qaaday labadaas ra’isal wasaare ku xigeen ku sheeg.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa waxay la daalaa dhacaysa dhaqaale xumo burbur iyo kala yaaca soo food saaray, khilaafkan ayaa wuxuu salka ku hayaa khilaaf qoomiyad qoomiyad ku salaysan kaas oo meesha ka saaraya kooxda tirada yar ee TPLF inay kusii amarku taag layso xukunka gumaysiga Itoobiya.

Wararkan iyo waxa kasoo kordha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa.

ONA Addis Abab.

 

Debretsion Gebremichael crop.jpgImage result

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay