Riwaayadan xiisaha iyo taariikhdaba xambaarsan waxay ahayd midii ugu horeysay ee loo alifo halganka ayna wax ka jilaan fanaaniin Somaliyeed oo qarkood ay geeriyoodeen Allaha u naxariistee iyagoon arkin heerka uu marayo maanta halganka shacabka S.Ogadenya. Waxay fanaaniinta oo uu hogaaminayo fanaanka halganka Kaadheeri oo lahaa alifaada riwaayadda ay kula dardaarmayaan ururka iyo Naftood-hurayaasha ONLF inuusan gumaysi kaga tagin shacab uu gumaysto baryo iyo iga guur.

Riwaayadda Iga guur kuma guuro oo la dhigay abaaraha 1997kii, ayay fanaaniinto ku dhigahayeen meel banaan ah oo guryo dushood ah si looga duubo cajalado Video ah oy dadweynaha ka daawadaan maadaama uu waqtigaasi si naxariis darra ah uga dhex socday Xamar dagaalkii sokeeye.

Riwaayadda –Iga guur kuma guuro- oon soo dayn doono (hadday noo suurto gasho farsama ahaan) si loo wada daawado ayaa xambaarsanayd dhambaalka ay fanaaniinta cinwaanka uga dhigeen.

Waxaan ka helnay kaydka Haradigeed heestan oo ahayd miday fanaaniinta ku furahayeen Riwaayadda ee daawasho xasuus xambaarsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay