Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ee gacanta gumaysiga wayaanaha kujira ayaa sheegaya in uu guud ahaan Gobolka kabilowday mudaharaadkii ay Ururka Dhalinyaradu shacabka Oromia ugu baaqeen in ay bilaabaan maalinta Arbacada ah.

Sida xogta aan kuhelayno shacabka qoomiyada Oromada ayaa shalay oo Arbaca ahayd kajawaabay codsigii ururka dhalinta ee QEEROO, waxayna shucabku guud ahaan Gobolka kabilaabeen mudaharaad shaqo iyo socod joojin ah oo ay ku baaqeen ururka dhalinta Oromada ee QEEROO.

Warka ayaa intaas kudaraya in mudaharaadku uu kajiro Tuulo ilaa Gobol waxaana lasheegayaa in shacabku ay guryahooda isku reebeen iyagoo kabaaqday dhamaan shaqooyinkii ay haysteen, sidoo kale shacabka mudaharaada yaasha ah ayaa is hor taag kusameeyay dhamaan gaadiidkii dadwaynaha iyo kii gumaysigaba, iyagoo dadka ugu baaqayay in ay guryahooda kulaabtaan hadii kale ay dhib lakulmayaan.

Baabuurtii basaska ahayd ee shalay Jigjiga kabaxay ayaa magaalada Baabili laga soo celiyay iyagoo lagu wargaliyay in aysan kusafri karin wadada isku xidha Addis Ababa iyo Jigjiga. Sidoo kale waxaa laburburiyay baabuur Bas ah oo magaalada Harar kusii jeeday.

Dhinaca kale dadwayne cadhaysan ayaa dhulka lasimay 2 baabuur oo qaadle ahaa kuwaas oo kabaxay magaalada Awaday oo kusii jeeday Gobolada Woqooyi ee wadanka Soomaaliya, sidoo kale waxay kacoon wadayaashu dhaawacyo waawayn ugaysteen wadayaashii baabuurta oo hada lagu dawaynayo isbitaal kuyaala magaalada Awaday.

Dhinaca kale dadka shacabka ah ee kacdoon wadayaasha ah ayaa weerar kuqaaday beer aad uwayn oo ay lahayd haweenaydii uu Malis kabakhtiyay Azeb Masfin, beertan oo kutaalay magaalada Jima ee dhulka Oromada ayaa lasheegayaa in ay dhanayd 200 oo Hegter, waxaana lasheegayaa in dhamaanteed laburburiyay.

Sikastaba ha ahaatee kacdoonadan ayaa lafilayaa in ay socdaan baryahan soosocda, waxaana lafilayaa in ay shacabka Oromadu guulo kagaadhi doonaan dibad baxan oo kuwii hore kaduwan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay