Ugu yaraan 35 qof ayaa lagu dilay caasimadda dalka Yemen ee Sanca, kadib markii diyaaradaha dagaalku ay duqeeyeen. Dadka geeriyooday ayaa u badan dad rayid ah, sida ay ku soo waramayaan ururada caafimaadka ee dalka Yemen.

Wararku waxay sheegayaan in laba duqaymood oo dhanka cirka ah oo ay gaysteen diyaaradaha Xulufada Sucuudiga ay bartilmaameed ka dhigteen Hoteel yar oo ku yaala magaalada Arxaab ee Waqooyiga Sanca. Xuseen al-Dhawil oo ka tirsan hay’dda Bisha Cas ayaa sheegaya in dhaawaca Isbitaalka yaala uu ka badan yahay 13 qof.

Tirada dhimashada iyo dhaawaca ayaa dhici karta in ay kor u kacdo, waxaana wali baadhitaan ku socdaa bur-burka dhismaha Hoteelka yar ee diyaaradaha cirku gantaalka ku dhufteen. Malayshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa gacanta ku haya caasimadda Sanca ee Yemen tan iyo sanadkii 2014, waxaana ay weerarkan ku eedeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Sucuudiga.

Xaaladda dalka Yemen ayaa maraysa halkii ugu xumeyd, waxaana dalka ka dilaacay daacuun, macaluusha iyo gaajaduna waxay noqotey mid soo rida kumaankun oo qof. Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xaaladda dalka Yemen ku tilmaantay xaalad aad u ba’an oo aan horay loo arag.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.