Waxaa nasoo gaadhay faahfaahinti dagaalkii 31 janaayo ee sanadkan ka qarxay Buurta Karinka Sollo.
31 janaayo ee sanadkan  ayaa waxa uu dagaal  ku qabsaday kolanyo gaadiid cadaw ah  oo maraysay  wadada isku xidha Dhagaxbuur iyo Dhagaxmadaw.  Dagaalkan oo ka dhacay meesha lagu magacaabo karinka Sollo  oo ah buur yar oo saaran Toga Faafan ayaa waxaa ciidamada cadawga loogu gaystay khasaare kala duwan.
kamiinkan sida fiican loo qorsheeyay ee ay galeen CWXO  ayaa waxaa ugu horaynba soo galay dabinkii Baabuur  nooca Ciidamada ah oo uu leeyahay Cadawgu kaas  oo basbeelay,. Intaa ka dib ayaa rasaas xoogan oo la isdhaafsaday iyo dagaal kulul oo bilawday ayaa ciidamada cadawga lagaga sahayday  in ka badan 20 askari  iyadoo dhaawacuna aad u badan yahay.
CWXO, ee ku caan baxay gacan kulaylka  marka ay la dagaalamayaan cadawga,  ayaa waxay ku guulaysteen  inay dib ugu soo celiyaan kolanyadii u  socotay dhianaca Dhagaxmadaw,taas oo la xaqiijiyay inay waday sahay  la rabay in la gaadhsiiyo  ciidamada  cadawga ee degen magaalada Dhagaxmadaw.
Ciidanka Waddaniga Xoraynta Ogaadeenya  oo ah mid u taagan xoraynta dalka  ayaa wacad ku maray inay kala jaraan dhamaan isgaadhsiinta,iyo taakulaynta ciidamada cadawga.
ONA
 
 

1 Comment

  1. ridwaan says:

    INSHALLA GUUL ONLF WAXAAN TAGEERO BUUXDA LA GARABTAGANAHAY WAX KASTO OO CADAW KU AH GUMAYSIGA TOOSKA AH IYO KAN DADBANBAAA
    DADKA REER OGADEENIYA TARIIKHDA XUSTA XUSINA DOONTA WAA LA DHIMANAYAA ADIGOO SARIIR HURDA INTA LAGU GAWRICII LAHAA ADIGII HALGAMAYAA DHIMO

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay