Waxaa jirta sheeko baraley (Folklore tale) ay dadka Ingriiska ah kala dhaxleen oo dhahaysa waxaa jiray qarniyadii hore nin la odhan jiray Robin Hood oo geesi ah oo qoysaska boqortooyada (Aristocrats) iyo dadaka maalqabeenka ah intuu ka dhaco waxay haystaan u qaybin jiray masaakiinta. Robin Hood boqortooyada iyo dadka maalqabeenka ah waa ka dambiile la raadiyo, dadka saboolka ahna waa geesi halyay ah oo xoolaha ay haystaan qoyskaa maalqabeenka ah uga soo dhaca oo u qaybiya lib iyo abaal la’aan. Hadday tahay miduu isaga samaysanayo iyo hadday tahay miduu gumaysiga ugu talagalayba, Cabdi iley wuxuu doonayaa dambiyada lama ilaawaanka ah ee shacabka uu ka galay in la iloobo oo sheeka baraley loo sameeyay dadweynaha uu laqsiiyo.

Inta aanan sii xulin mawduuca, aan isla fiirino qodobada laga midaysan yahay oo qofka raacsan Cabdi iley iyo midka kasoo horjeeda aanay isku diidi karin, si doodeena u noqoto mid maangal ah oo ka fog caadifad laab lakac ah.

  • Ogadenya waxaa kusoo duulay oo qabsaday Minilk oo kaalmo ka helay dawalidihii Yurub ee boobahayay Afrika.
  • Taariikdaa laga bilaabo ilaa maanta waxaa ka jiray Ogadenya iska caabin iyo diidmo xukuumadihii isga dambeeyay Itobiya.
  • ONLF waxay dhaxashay taariikhdaa halganeed ee ma’aha jabhadii bilowday halganka socda.
  • Itobiya oo ah/ahayd (midkaad aaminsan tahay) dawlad gumaysi waxay dagaal kula jirtay qof kasta oo dalka u dhashay oo kasoo horjeedsada xukunkeeda.
  • Waxay soo dhaweynaysay oy taageeraysay qofkasta oo dalka u dhashay oo kasoo horjeedsada kuwa diidan xukunkeeda.
  • Qodobada la’isku raacsan yahay way badan yihiin hadii la doonayo in lasii wado barnaamij dhan ayaa laga samayn karaa.
  • Cabdi iley wuxuu ahaa hogaanka amniga intaan laga dhigin horjoogaha kililka, jagadaa ayuuna ku muujiyay wuxuu u qaban karo Itobiya hadii faraha laga galiyo awooda dalka oo loo ogolaado inuu fuliyo wuxuu doonayo oo ahayd;

Sidaan horey u sheegnay qorshaha Cabdi iley loo dadajiyay wuxuu ahaa inuu reereeyo dagaalka gobanimadoon ee ka socda Ogadenya. Waxaan xusuus ahaan idiinku soo celinayaa si loo fahmo arintaa, maqaalo horey loogu qoray shabakadda ONA oo uu noosoo gudbiyay xubin muhiim ahaa oo kasoo goostay kana tirsanaa ciidankii ugu horeeyay ee loo tababaray Hawaarinta (Liyu Boolis). Waa maqaal taariikhi ah oo mudan in la xafido. Waxaad ku arki maqaalkaa waxay ka aaminsan yihiin Itobiya shacabka Ogadenya oo la mid ah waxay ku andacoon jireen gumaysigii ree Yurub markay kusoo duulayeen inay gumaystaan Afrika iyo dawladaha Asia. waxay sabab uga dhigeen duulankooda inay shucuubta Afrika ee cawaanka ah ree magaalaynayaan oy aadami-yeynayaan (humanizing). Sidoo kale ayay Itobiya waxay ku salaysay barnaamijka maskaxda lagaga maydhay dhalinyarada ay qasabka isugu keeneen ee loogu talagalay in lagu tababaro maleesiyada Hawaarinta barnaamij cinwaan looga dhigey in shacabka Ogadenya lagu samaynayo Dib u Dadayn (Re Humanization). Wuxuu yidhi xubunkan ka tirsanaa ciidankaa;

Hadaba barnaamijka “dib u dadaynta” waxaa bixin jiray laba nin oo ku takhasusay cilmiga military psychology. Barnaamijka “Dib-u-Dadayn (Re-Humanizing) ee la siinayay dhalinyarada la soo ururiyay, wuxuu ahaa barnaamij qofka maskaxdiisa lagu badalayo oo ka koobnaa arimahan; in marka ugu horeysa laga dhaadhiciyo Naftiisa wax uga qaalisan inuusan jirin, ka dibna laga dhaadhiciyo in ONLF ay naftiisa duulaan ku tahay, ka dibna laga dhaadhiciyo in bulshada dhamaanteed ay ONLF tahay ama raacsan tahay, sidaa darteed waa cadawgaaga ee dilka kala hormar, ka dibna la yidhaahdo waxaa naftaada badbaadin kara oo kali ah midkan kula qaatay barnaamijka Dib-u-Dadaynta.

Cabdi iley oo ahaa Hogaanka Nabadgalyada markay tababarka dhamaysteen hadalada uu ku baraarujiyay ciidankaa siduu sheegay xubinkan wuxuu ahaa sidan;

“Waxaad tihiin ciidankii ugu tayada fiicnaa, ugu mushahar badnaa ,ugu tirada badanaa ee deenkagu yeesho. Waxaa kale oon idin xusuusinayaa inaad tihiin raggii aabayaashood loo diiday inay taliyaan, ama ugaasyo noqdaan gabayadana loo tirin jiray. Maanta waxaan idin siinay jaanis aad kuwii islawaynaa, dalka dib u dhaca ku sameeyay aad kula dagalantaan”.

Wuxuu kaloo sheegay in Da’uud Axmaar oo ahaa Horjoogaha kililka uu isaguna u sheegay maleesiyadii Hawaarinta in Hogaamiye wanaagsan loo doortay uu ula jeedo cabdi Ubo. Wuxuu yidhi; “Waa hogaamiyihii ugu haboonaa inuu gadh-qaado ciidan noocan ah”.

Waxaa hubaal ah in ereyadaa uu Da’uud Axmaar ku hadlay ahayd runtii uu ebid sheegay inkastoo uu ka shalaytooday markuu isagiina cunay, sababtoo ah Cabdi ilay waa ruxa kaliya ee ogolaan lahaa inuu hogaamiyo dhalinyaro loo carbiyaya inay heerahooda rogaan. Nin kii yaraanta hooyadii  ku habaartay oo suuqa Dhagaxbuur lugta ku jiiday, waynaanta hooyooyin kale hadh ku seexinmaayo.

Waxaan kusoo koobayaa qaybtan inaad dib u akhrisaan maqaalkaa taariikhi ah saad u fahmataan Cabdi iley wuxuu yahay, dhibaataduu u gaystay shacabka iyo wuxuu ku mutaystay jagadan uu mudada dheer hayo. Saan ugu gudubno shaadhka cusub ee la doonayo in loo xidho suu u jilo  Riwaayadda cusub ee gumaysiga alifayo, ama looga qariyo masraxa (the stage).

http://www.ogadennet.com/?p=13968

Qaybtii 1aad ee taxanahaa oo ka waramaya sidii loo asaasay ciidanka Hawaarinta iyo ujeedada laga lahaa halkan ka akhri. Muhiimada waa in aad kaydsato ood la socoto taariikhda dalka iyo dambiyada uu gumaysiga ka galay shacabkeena isagoo adeegsanaya Cabdi iley iyo Hawaarintiisa.

http://www.ogadennet.com/?p=13253

La soco qaybta ku xigta ee riwaayadaha cabdi iley loo alifayo.

Xuseen Noor.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.