Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee wadanka Itoobiya ayaa sheegaya in maamul kusheegii Gobolka Axmaaradu uu labo ukala jabay, kadib markay kala taageereen labada garab ee TPLF.

Sida xogta aan kuhelayno urur kusheega ANDM ee sheegta in uu matalo qoomiyada Axmaarada ayaa ukala jabay labo garab kuwaas oo sida muuqata ukala nacam laynaya labada garab ee kooxda TPLF, kuwaas oo indhawaalaba khilaafkoodu uu sii xoogaysanayay.

Warka ayaa intaas kudaraya in shir ay sooqaban qaabiyeen horjoogayaasha ANDM uu natiijo la’aan kusoo dhamaaday, waxaana sida lasheegay shirkan lagaga wada hadlayay khilaafka kooxda TPLF ee siixoogaysanaya iyo qalalaasaha aan kala joogsiga lahayn ee Gobolka Axmaarada.

Wax yar kadib furitaankii shirka ayaa lasheegayaa in uu bilowday buuq iyadoo labada garab ee urur kusheega ANDM uu midba midka kale ku eedeeyay in ay waddo khaldan qaadayaan, isla markaana ay shacabka Axmaarada marin habaabinayaan.

Labada garab ee urur kusheega ANDM oo khilaafkoodu uu mar qudh ah meel sare gaadhay waxaa kala hogaaminaya saraakiil magac wayn kulahaa xukuumada wayaanaha iyo maamul kusheega Axmaaradaba, waxaana garabka amarka Tigreega kushaqaynaya hogaaminaya Baraket Simon, Kasa Tekle Birhan, Kabade Chana, Getachew Imbiye iyo Alamneh Mekonin.

Dhinaca kale ee doonaya mustaqbalka Axmaarada waxaa hogaaminaya Dameke Mokonin oo raysal wasaare kuxigeen ah, Dr Ambachew, Gaedhu Indhargacheb oo ah madaxwaynaha Kilalka Axmaarada, Binalf Andialem, Neguse Tilahun, Muligeta Warqu.

Labada garab ayaa lasheegayaa in uu xaalkoodu meel adag marayo waxayna xaaladoodu gaadhay adaa dhibka kadambeeyay iyo adaa dhibka lahaa, waxaana lagu wadaa in ay xaaladu kasii dari doonto.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay