Maanta oo ah maalin sabti ah Taariikhdna ku beegan tahay 26 August 2017, waxaa Magaalada Perth ee galbeedka Australia, ay Jaaliyada Soomaalida Ogadenia ee Magaalada Perth ku qabatay xaflad lagu maanuusayay 33 guuradii kasoo wareegtay aas-aaskii JWXO.

Sidii caadiga ahayd waxaa shirka lagu furay aayado quraanka kariimka ah iyo wacdi ah oo uu soo jeediyay Halgame sheekh Abdiqaadir Cali Guray. Xafladan ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin jabhadeed xubno iyo taageerayaal badan oo kamida shacab waynaha somaliyeed.

Kadib waxaa la guda galay munaasabadii iyo dabaal degii xaflada aasaaskii JWXO, waxaa munaasabada ka hadlay masuuliyiin kamid ah JWXO waxaa kamid ah Af hayeenka  JWXO Mudane Cadaani Hiirmooge, isku duwaha Jaaliyaadka Ogadenya ee Pacific Mudane Aaden Dakhare, Abwaan Kaldeeq Muuse, iyo xubno badan oo kamid ah maamulka Jaaliyada waxaa kale xaflada lagu martiqaaday oo kasoo qayb galay Jaaliyada Oromia ee Magaalada Perth.

Si kastaba ha ahaatee xafladan ayaa wali socota waxaana si aad u heer saraysa uga soo wada qayb galay dhamaan bulshada qaybaheeda kala duwan, waxaana hadii Eebe idmo dib idiinka soo tabin doonaa, muuqaalo dheeraad ah iyo sawirada xaflada.

ONA/Perth

       

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay