Duufaan xoogan oo ku dhuftay Gobolka Texas ee dalka Maraykanka ayaa saacadii jaraya 215 KM taasi oo ah mid heerkeedu sarayo.

Waxaa la filayaan in duufaanta ay noqoto tii ugu xumayd oo muddo 12 sano ah ku dhufata gobolkaasi Texas. Duufaankan oo ah mid xoog badan ayaa waxa weheliya roobab mahiigaan ah oo halkaasi ka da’aya. Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in duufaankan uu yahay musiibo isla markaana dowlada dhexe ay gargaar gaadhsiin doonto goobaha ay sida ba’an wax usoo gaadheen.

Badhe-saabka Texas Greg Abbott ayaa ka digay in fatahaado ay ku dhufan doonaan degaano badan. Duufaankan oo khubarada ay sheegeen in ay tahay mida heerka afaraad loo yaqaano ayaa dhulka dhigtay geedo magaalada Corpus Christi. Kumanaan qof ayaa ka cararay guryahoodii gobolka Texsas ee dalkaasi Maraykanka.

Duqa magaalada Rockport ,Patrick Rios ayaa ku baaqay in dadka degan magaalada oo tiradooda dhan tahay 10,000 oo qof sida ugu dhaqsiyaha badan halkaasi looga daadgureeyo. Mr Patrick ayaa sheegay in dadka ay ku xannibmeen guriyaha halkaasi oo saqafyada ay soo dumeen islamarkana shaqaalaha gurmadka ay waayeen meel ay u maraan sida uu ka soo xigtay talafishinka CBS.

Waxaa jira safaf dhaadheer oo ah gawaarida dadka ka baxsanaya duufaanta. Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in laga yaabo madaxwayne Trump in uu booqdo gobolka Taxas horaanta todobaadka soo socda.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay