Taliyaha ciidamada dowladda Somalia Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa saxaafada u sheegay in howlgal ay fuliyeen ciidamada Somalia iyo kuwa Maraykanku meel u dhow Bariire lagu dilay 10 qof oo rayid ah oo 3 ay caruur ahaayeen.

General Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu ahaa mid ku dhacay si kama ah. Taliye Cirfiid ayaa sheegay in shilkaasi uu dhacay kadib markii ciidamada huwanta ah iyo beeralay hubeysan oo ku sugnaa meel u dhow Bariire ay kala shakiyeen, kadibna ay rasaas bilaabtaya.

Taliyaha ayaa beeniyay war ka soo baxay saraakiil dowladda ka tirsan oo sheegay in howlgalkaasi lagu dilay 8 ka tirsan al-Shabaab. Taliska ciidanka Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah ku sheegay inay la socdaan eedaha sheegaya in rayid ku dhintay Bariire, isla markaana ay arrintaas baadhayaan.

Taliye Cirfiid ayaa warbaahinta u sheegay inuu la kulmay madaxweynaha iyo Ra’isul-wasaaraha, oo uu sheegay inay ka xumaadeen dhimashada rayidka. Taliyaha ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in guddi xaqiiqo raadin ah loo saaray inay falkan soo baadhaan.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay