Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay Danjiraha Midowga Yurub u qaabilsan Barigga Africa, Alexandar Rondos iyo wafdi uu hoggaaminayo, waxayna ka wada hadleen howlaha ay midowga Yurub ka wadaan Soomaaliya iyo sidii loo dar-dargalin lahaa.

 Ra’iisul Wasaare Khayre, ayaa sheegay in uu ku farxsan yahay kulan ka danjiraha midowga Yurub u qaabilsan Geeska Africa oo ay Soomaaliya ka mid tahay, wuxuuna uga mahed-celiya howlaha muhiimka ah ee dalka ay ka hayaan iyo sida ay shacabka Soomaaliyeed u taageeraan xiligan muhiimka ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Midowga Yurub doorkooda ku aadan arrimaha Soomaaliya. Wuxuna xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar dhinacyo badan leh mudadii ay ay jirtay dawladda uu hoggaamiyo .

Alexandar Rondos, wakiilka midowga Yurub u qaabilsan bariga Africa ayaa cadeeyay in ay la jaan qaadayaan Soomaaliyada cusub, taasoo diyaar u ah iney samayso horumar, si bulshadeeda u helaan nabad iyo nolol.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay