Bayaan kasoo baxay Jabhada kadagaalanta dhulka Axmaarada ee lagu magacaabo Gimbot 7  Arbsnyoj ayaa baaq loogu diray ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo guud ahaan shacabka lagumaysto ee kooxda tirada yar ee TPLF u gardaduuban.

Bayaanka oo uu kusixiixnaa gudoomiyaha Jabhada Gimbot 7 Arbanyoj Dr Berhanu Nega, ayaa lagu sheegay in ciidanka gumaysiga Itoobiya looga baahan yahay in uu shaqeeyo aqligoodu, ayna katanaasulaan dhibaatada ay shacabka kuhayaan.

Sidoo kale gudoomiyaha Gimbot 7 Dr Berhanu Nega ayaa sheegay in ay ciidanaka maskaxda laga khalday ee wayaanaha ufidinayaan cafis, isla markaana wuxuu gudoomiyuhu sheegay in ay dhalinta lamarin habaabiyay uhayaan daryeel iyo waliba dhaqaale kufilan waa hadii ay isusoo dhiibaan jabhada Gimbot 7 Arbanyoj ee kadagaalanta Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya.

Sidoo kale Dr Berhanu Nega ayaa sheegay in ay dalacsiin doonaan ciidamada isu soo dhiiba iyagoo kuqiimayn doona wax qabadkooda iyo aqoontooda, wuxuuna gudoomiyuhu sheegay in aysan ciidanka isasoodhiiba ku qaadan doonin qabiil iyo musuq maasuq balse ay kuqaadanayaan daacad nimo, karti iyo aqoon.

Gudoomiyaha oo hadalkiisa siiwatay ayaa sheegay in ay ciidamadu ka faa’iidaystaan fursada ay bixiyeen, wuxuuna intaas siiraaciyay in ciidamadu ay isasoo dhiibaan inta ay goori goor tahay, isagoo sheegay in lagaadhi doono xili aan dambiilayaasha lacafin doonin.

Guntii iyo gunaanadkii hadalka gudoomiyaha Jabhada Gimbot 7 ayaa kusoo aaday xili ay shacabku sharciga gacantooda kuqaateen iyagoo sheegay in ay kooxda TPLF soo dhagaysanayeen 26, waxayna shacabku sheegayaan in lagaadhay markii iyaga ladhagaysan lahaa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay