Wararka naga soo gaadhaya magaalada Addis Ababa ee xarunta Gumaysiga Itoobiya ayaa sheegaya khal khal aad u wayn oo soo wajahay kooxda dhiiga shacabka kunaaxday ee TPLF iyo kuwa aan damiirka lahayn ee u adeega.

Sida xogta aan kuhelayno khal khalka magaalada Addis Ababa ayaa yimid kadib mudaharaadadii todobaadkan Oromia kabilowday oo saamayn xoogan kuyeeshay magaalada Addis Ababa iyo deegaanada kuxeeran.

Warka ayaa intaas kudaraya in qaybo badan oo magaalada kamid ah uu kajiro mudaharaad mataano la ah midka Oromia kasocda, waxaana magaalada laga dareemayaa dhiiranaanta shacabka oo si kalsooni ah waxay doonaan usamaynaya iyo ciidanka gumaysiga oo iyagoo niyad jabsan dariiq yada taagan.

Dhinaca kale mudaharaadka Oromia kasocda ayaa dhaliyay Sicirbarar aad uwayn oo magaalada Addis Ababa laga dareemay, waxaana halmar ah cirka isku shareeray ashcaartii, sida raashinkii, shidaalkii iyo adeegyada kale ee dadwaynuhu ay aadka ugu baahan yihiin.

Sidoo kale waxaa suuq la’aan noqday qaadkii iyo bunkii oo ah labada shay ee Itoobiya ay udhoofiso wadamada dibada, isla markaana ay kaheli jirtay dhaqaale aad ubadan, waxaana magaalada Addis Ababa iyo guud ahaa wadanka Itoobiya laga dareemayaa suuq la’aanta qaadka iyo bunka.

Dhinaca kale taliska wayaanaha ayaa lasheegayaa in uu ciidankiisa ku amray sidii ay xooga isugu gayn lahaayeen magaalada Addis Ababa oo ah goobta ay dhashu utaalo, wuxuuna talisku ku calaacalay in dhulkii kale uusan faro ugu jirin isla markaana loobaahan yahay in laga taxadaro amaanka magaalada Addis Ababa.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay