Ururka OYSU-FINLAND  ayaa ka qaybgalay seminaar socdey labo-maalmood oo loogu talogalay ururada dhalinyarda ee ka jira dalkan
seimaarkaas waxa soo diyaarisay wasaarada arimaha dhalinyarada dalkan finland, seminaarkaas oo si khaas ah loogu casuumay ururka oysu. Seminaarkaasoo  dhalinyarada lagu barayey maamulka iyo maaraynta waxaa uga qaybgalay masuulinyiin ka tirsan maamulka oysu oo kala ahaa mudane cabdirixiin iyo mudane cabdikhadar.
seminaarkaas waxaa loogu talogalay ururada ka jira dalkan laguna barayey habka loo horumariyo ururka, sida loo ilaaliyo xogta ururka,
dhaqangelinta qorshayaasha ururka u qoran iyo habka wada shaqaynta ururada kala duwan ee dalkan ka jira iyo siday xidhiidh ula samayn lahaayeen dowlada.
seminaarka oo ahaa mid caalami ah ayey sidii loogu talo galay uga faa’iideysteen masuuliyiintii uga qaybgalay ururka oysu hadii eebbe idmona uga sii faa’iideyn doontaa ururka intiisa kale.

Dhalinyarada Somalida Ogadeniya ee wadanka Finland ayaa wada dhaqdhaqaaqyo badan oo ay ku dhexgalayaan bulshada iyo hayadaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga aheyn ee wadanka Finland iyaga oo bara qadiyada shacabka Somalida Ogadeniya. Horay waxa dhalinta OSYU ee Finland ay kulamo iyo wada shaqeyn la yeesheen hayado badan oo ay kamid tahay  Haayada Amnesty International. oo qoraalo kuso saaraty bogga Amenetsy International Finland xogag ka sheekeynaya qadiyada Ogadeniya.

cabdiraxmaan jarari

ONA

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay