Wararka naga soo gaadhaya wadanka Ogadenia ayaa sheegaya tacadiyo kala duwan oo ciidanka wayaanuhu ay ugaysteen dadka shacabka ah ee Soomaalida Ogadenia. Warkan oo aan kahelay xarunta dhexe ee Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogadenia ayaa udhacay sidan.

23/8/17 Tuulada Cayuun oo Dagmada Dhuxun ee Gobolka Nogob katirsan waxay ciidanka wayaanuhu ku xidh xidheen Odayaal aad ubadan oo deegaanka ah kuwaas oo diiday in ay si qasab ah kukeenaan ciidan iyo lacago baad ah waxaana kamid ahaa odayaasha laxidh xidhay
1 kaafi maxamed yaasii
2 cabdi xuseen ibraahim
3 muxumed faarax xuseen.

24/8/17 Cayuun waxay mar kale ciidanka cadawgu ku xidh xidheen dadka kala ah
1 macalim cabdulaahi cabdi cali oo 90 jir ah
2 rashiid muxumed huud
3 faarax sheekh maxamed
4 jowhar muxumed huud
5 cabdi qabdiid cabdulaahi
6 cabdifadxi maxamed barre
7 xassanmataan macalim maxamed
8 ikhyaar axmed yaasiin oo 80 jir ah.

24/8/17 Xudurayle oo Qabridahare katirsan waxaa khasaare lixaad leh ugaystay toga faafaneed oo biyo keenay wuxuuna togu qaaday reero daganaa meesha uu togu kudaaco oo horaan ciidanka cadawgu ay ugu amreen in aysan kaguurin, biyaha toga ayaa inta lahubo dilay 20 geel ah, 400 oo adhi ah iyo Lo iyo dameero aad ubadan.

ONA Ogadenia.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay