Wararka naga soo gaadhaya Gobolka Axmaarada ee woqooyiga Itoobiya ayaa sheegaya in uu siwayn uga dilaacay cudurka dilaaga ah ee daacuun caloolaha, sida xogta aan kuhelayno cudurka ayaa faro ba’an kuhaya qaybo kamid ah Gobolka Axmaarada waxaana lasheegayaa in uu soo ritay dad aad ubadan.

Cudurka daacuunka ayaa lasheegayaa in uu dilaacay xili ay guud ahaan Gobolka Axmaarada kajiraan rabshado socday mudo sanad iyo badh ah, waxaana lasheegayaa in wakhti xaadirkan ay dibad baxyadu iyo kacdoonka shacabku ay marayaan meeshii ugu saraysay abid.

Xukuumada wayaanaha ayaa lasheegayaa in aysan laba soconinn cudurka daacuunka ee kadilaacay meelo kamid ah Gobolka Axmaarada, waxaana lasheegayaa in dadka uu cudurku haleelay ay udhimanayaan daryeel iyo daawo la’aan, dhinaca kale goobaha caafimaadka ee Gobolka Axmaarada ayaa lagu soowaramayaa in aysan oolin wax daawo ah oo loogu talagalay dadka xunuunadu ay sooritaan.

Cudurka oo dilaacay maalin nimadii shalay ayaa lasoo tabinayaa in uu dilay 42 qof oo ciyaal iyo dad waayeel ah ubadan, waxaana lasheegayaa in uu soo ritay dad kumanaan ah oo ubadan dadka danyarta ah oo aan heli karin dawo iyo nafaqo toona.

Xukuumada gumaysiga Itoobiya ayaa caado iyo dhaqan kadhigatay in ay qariyaan cudurada iyo abaaraha kajira guud ahaan wadanka, waxayna dhowr bilood kahor qariyeen cudurka daacuunka oo siwayn uga dilaacay wadanka Ogadenia iyo dhulka Canfarta.

Dhinaca kale ciidamada bahalka ah ee gumaysiga ayaa lasheegayaa in ay cadaadis xoogan kuhayaan shacabka tabaalaysan ee Axmaarada, kuwaas oo ladaala dhacay cuduro iyo abaaro kuhabsaday oo wax dowlad ama hay’ad ah oo kacaawinayaa aysan jirin.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay