Xog rasmi ah oo ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in wadanka gumaysiga Itoobiya uu safka hore kaga jiro wadamada aduunka ugu musuq maasuqa badan, kuwaas oo sida lasheegay laga aamin baxay oo aan waxba loodhiibanin.

Sida xogta aan helay ay muujinayso daraasad lagu sameeyay wadamada aduunka ugu musuqa badan ayaa lagu ogaaday in wadanka gumaysiga Itoobiya uu yahay wadanka 4 aad ee aduunka ugu musuq maasuqa badan, waxaana lasheegayaa in uu yahay wadanka koobaad ee Africa ugu musuqa badan, isagoo uusan jirin wadan Afrikaan ah oo usoo dhaw marka la eego dhanka musuqa iyo wax isdaba marinta.

Daraasada ayaa muujinaysa in ay wadanka Itoobiya kahoreeyaan oo kaliya wadamada Iraq, Siriya iyo Yeman kuwaas oo sida lawada ogsoon yahay ah wadamo burburay oo wax nidaam ah oo adag uusan kajirin, marka la eego wadamada daraasada lagu xusay wadanka Itoobiya ayaa ah wadanka ugu musuqa badan marka laga hadlayo wadamada dhisan ee maamuladu ay kajiraan.

Wax isdaba marinta iyo boobka hantida shacabka ayaa wadanka Itoobiya caadi ka ah waxaana caadi kanoqotay wadanka in saraakiisha ugu sarsaraysa ay malaayiin dooller ku shubtaan bangiyada dibada, iyagoo qaarkoodna ay wadamada dibada kadhistaan guryo qaali ah.

Boobka hantida shacabka iyo musuqa baahsan ayaa keenay in ay ashcaartu cirka isku shareerto, waxaana lasheegayaa in halka Doller ee lacagta maraykanka ah uu Itoobiya kamarayo 31 birr, taas oo ah meeshii ugu saraysay ee uu abid gaadho dooller ku.

Dhaqaalihii wadanka gumaysiga Itoobiya ayaa noqday mid dad kooban gacanta ugalay iyadoo dadka intiisa kale aysan haynin wax ay nolol maalmeed kooda kudabaraan, halka koox yar oo dadka kamid ahna ay kamid yihiin dadka aduunka ugu taajirsan.

ONA.

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay