GO,AANADA KA SOO BAXAY SHIRKII MIDOWGA DHALINYARADA IYO ARDEYDA SOMALIDA OGADENYA

Waxaa dalka Swedan kulan ku yeeshay midowga dhalinyarada iyo ardeyda Somalida Ogadenia intii u dhaxaysay 25 _ 27 . Shirka waxaa goob joog ka ahaa xoghaya guud ee ururka iyo qeyb ka mid ah gudida fulinta ee Oysu lana socotay xoghaya guud oo maal mahan safar ku kala bixinayay dalalka Europe…
Go,aamada shirka ka soo baxay.

– Inn la hormariyo aqoonta iyo tayada xubnaha uruka dhalinyarada iyo ardayda Somalida ogadenia.
– Inn lugu dhiri galiyo dhalinyarada iyo ardeyda Somalida Ogadenia sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen halganka
– Inn la soo saaro dhalinyaro ku babaarugsan wadaniyada iyo qiyamka suuban somalida ogadenia.
– Inn la adkeeyo midnimada iyo wada jirka dhalinyarada iyo ardeyda somalida ogadenia
– Inn laga wacyi galiyo dhalinyarada ficilada ku saleysan anshaxumida, qabyaalada , eexda , nin jecleysiga iyo argagagixsnimada

BAAAQ
– Urrurka dhalinyarada iyo ardeyda somalida ogadenia wuxuu ugu baaqayaa baasha caalamka iney si dhow ula socoto isla markaana faragalin ku sameeyaan xaalada qalafsan ee ka taagan dhulka somalida ogadenia
– Ururku wuxuu ugu baaqayaa haayadaha dowliga iyo kuwa aan dowliga aheyn iney caawimaad dag dag ah gaadhsiiyaan shacabka Somalida Ogadenia
– Waxaan ugu baaqeynaa shucuubta Ethiopia ee dulman iney iska dulqaadaan gumeysiga , kana leexinin masiirkooda umadeed, dhibaatooyinka iyo hagardaamada uu cadowga uu geysanayo.
– Waxan dhalinyarada dalka Somaliya ugu baaqeynaa iney garab istagaan dowlada dalka Somaliya isla markaana ka shaqeybqaataan midnimada iyo wada jirka shacabka Soomaaliyeed iskana ilaaliyaan waxkasta oo kala qeybin kara

Hambalyo

– Waxaaan hambalyo udireynaa dhamaaan shacabka Somalida Ogadenia ee xusaya sanad guuradii 33 aad ee ka soo wareegtay aasaaska jabhada wadaniga xoreynta Ogadenia .
– Waxaan bogaadineynaa shacabka Somalida ogadenia ee muujiyay adkaysiga , wadaniyada , mintidnimada iyo midnimada .
– Waxaan hambayo udireynaa dowlada dalka Somaliya ee soo celisay rajadii iyo karamadii umada Soomaaliyeed.

Ogaden Youth And Student Union

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay