War dag dag ah oo hada naga soo gaadhaya Gobolka Oromia ayaa sheegaya sargaal sare oo ciidanka Booliiska Fadaralka katirsanaa oo toogasho lagu dilay, dida xogta aan kuhelayno qof hubaysan ayaa galab nimadii shalay galbeedka Gobolka Carusi kudilay sargaal katirsanaa Booliiska Fadaralka ee wayaanaha.

Warka ayaa intaas kudaraya in sargaalka latoogtay xili uu aad ugu mashquulsanaa falal shacabka kadhan ah, waxaana lasheegayaa in ay ciidanka wayaanuhu Gobolka Carusi kawadeen howlgalo ay shacab badan ku wax yeeleeyeen.

Xog ay heshay Wakaalada Wararka Ogadenia ONA ayaa muujinaysa in sargaalka Booliiska Fadaraalka katirsanaa ee latoogtay uu ahaa Sargaal ka tirsan ciidanka qoomiyada Tigreega laga soo madhay ee Agaziga loo yaqaano, sargaalka ayaa lasheegayaa in uu qaatay dirayska Booliiska Fadaralka si uu ciidanka Booliiska ula howlgalo una ogaado waxa ay qabanayaan.

Saraakiisha ciidamada hogaamiya ee Tigreega oo aad ushakisan ayaa kalsooni daro wayn kamuujiyay ciidamada udhashay qoomiyadaha aan Tigreega ahayn, waxaana lasheegayaa in ay dadaal ugu jiraan sidii ay ciidamada ugu yeelan lahaayeen galaangal, waxayna kooxkasta oo ciidanka ah kudarayaan qof ama labo Tigree ah.

Ma aha markii ugu horaysay ee saraakiisha ciidanka wayaanaha toogasho lagu dilo waxaana bilihii lasoo dhaafay socday qorshayaal saraakiisha wayaanaha lagu ugaadhsanayo waliba kuwa tacadiyada baahsan ugaysta shacabka biri magaydada ah.

Dhinaca kale ciidamada gumaysiga iyo maamul kusheega kabaqaadka u ah wayaanaha ayaa la meel ay istaagaan, waxayna shaki wayn kaqaadeen qofkasta oo shacabka kamid ah oo ay uhaystaan in uu qarxinaya ama uu dilayo.

ONA.

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay