Shirwaynihii Jaaliyada Ogaadeeniya ee Magaalada Nairobi oy ka soo qayeb galeen dhamana xubnaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee Nairobi ayaa si habsami leh u furmay maanta oo ay teeriikhdu ahayed 04.02.2012 iyadoo uu shir gudoominahayey gudoomiyaha Jaaliyada Ogaadeeniya ee Dalka Kenya Mudane Cabdinaasir Uurdoox.

Oogu horeyn gudmoomiyaha jaaliyada ayaa warbixin dheer oo dhinacayo badan taabaneysa siiyey xubnaha jaaliyada isagoo ka warbixin guulaha ay Ciidanka Xoreynta Ogaadeeniya ka gaadheen dagaaladii oogu danbeyey ee gudaha Ogaadeeniya ka dhacay wuxuun yidhi Mudane Cabdinaasir; “Ciidankeenu guulo la taaban karo ayey ka soo hooyiyeen iyadoo cadawgu lagu gaadhsiiyey khasaaro badan oo isugu jira naf iyo maalba”. Wuxuu sidoo kale ka warbixiyey xaaladda shacabaka Ogaadeeniya ee gudaha iyo dibadab ku nool, heerka uu gaadhsiisan yahay taageerada ay halganka u qabaan isagoo sheegay in shacabkii Ogaadeniya ee xabsiyada laga buuxiyey in ayna keenin wax is dhimid ah xaga taageerada ay halganka u hayaan, taasoo muujinaysa adkaysiga iyo mintidnimada shacabka Ogaadeeniya ee geesiga ah. Warbixintaas dheer kadib waa la gudo galay qaybihii kale ee shiraka.

Xubnaha Jaaliyada ayaa xili walba oo ay jiraan xubno mutaysata abaal marino in la siiyo la gudoonsiiyaa iyadoo maanta xubno ilaa 20 gaadhaya la siiyey abaalmarino. Xubnaha abaalmarinada la siiyay ayaa waxay isugu jiraan qaar dhamaystay Siminaaro iyo kuwa lagu siiyey waxqabad ay ka gaysteen xagga taakuleyn ay u sameeyeen qoxootiga Ogaadeeniya ee dalkaKenyasoo galay sanadkan. Xubnahaas la siiyaya abaalmarinta ayaa waxaa kamid ahayed Hooyo Sahra Ismaaciil, Faadumo Xirsi Mahad, Fardwso Axmed Muraar iyo Canbo Rashiir. Sidoo kale Arday dhamaysatay Siminaaro ayaa la gudoon siiyey Shahaadooyin lagu abaalmariyay xubnaha firfircoon ee shaqooyinka jaaliyada iyo awaamirta madaxdooda fuliyay.

Intaas kadib waxaa shirka  ka hadalay Marti sharaf ka kala socotay faracayada Jaaliyada gaar ahaan kuwa xerooyinka qoxootiga Dhadhab oo xubnaha  jaaliyada oogu warbixiyey dhibaatooyinka ka jira xerooyinka qoxootiga dalka Kenya iyo nolosha  qoxootiga ku haysata dadkii Ogaadeeniya ka soo qaxay.Wuxuuna ooga mahadceliyey gudoomiyihi caawimaad ay xubnaha jaaliyada Nayroobi u fidiyaan walaalahood ku dhibaataysan xerooyinka qoxootiga dalka Kenya. Waxaa isana martida kamid ahaa abwaan Ayaanle Axmed Aar oo kamida xubanah Jaaliyada Ogaadeeniya ee Dalka Mareykanka ka yimid wuxuuna Ayaanle warbixn kadib xubnaha u sheegay in ay ku dadaalaan midnimada Xubnaha taas oo ah mida kaliya ee aan kaga guuleysan karo cadawgeen waana in aan kor u qaadnaa iskaashiga iyo Xidhiidhka ayuu yidhi ayaanle.

waxaa Shirka Suugaan guubaabo ah ka tiriyey Abwaanka reer Ogaadeeniya ee Caanka aha Axmed Sh Maxmed (Axmed Heelaale) oo dhamaan dadweynihii shirka ka qayeb galay dareensiiyey dhibaatada Guumasiga isaga oo fikirkiisa ku cabiraya suugaanka uu Ilaahay haybada u siiyey.

Waxaa shirka canbaareyn looga soo jeediyay falkii waxashnimada ahaa ee xalay  ka dhacay magaalada Gaarisa, iyadoo mas’uuliyiinta Jaaliyada Ogaadeenya ee Dalka Kenya iyo Xubanah Jaaliyada ay shirkooda ka soo saareen qoraal canbaareyn ah oo ay ku canbaareynayaan Falkii Waxashnimada ahaa ee ka dhacay magaalad Gaarisa ee Gobolka Waqooyibari Kenya iyadoo ay ku tilmaameen in falkani uu yahay mid ka dhan ah umuda Soomaaliyeed ee ku nool magaalda Gaarisa kaas oo lagu klhalkhal galinayo amaanka magaalada Gaarisa, waxaana loogu talagalay in shaki iyo tuhuna lagu kala dhex dhigo dadka walaalaha ah ee ku wada nool magaalada Gaarisa. Waxaa lagu sheegay qoraalka in ay jireen falal hore oo dil ah oo ka dhacay Gaarisa oo dhamaantood ay fulinyaaa cadwga Soomaaliyeed isaga oo adeegasan kuwa aan diin lahayn oo calooshood u shaqayste gacan ku dhiigleyaal ah.

Waxaa shirka laga soo saaray in aad ooga xumaaaday xasuuq loo gaystay Odayaasha iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanad Jubbooyinka iyadoo ay canbaareynayaan mujrimiintii falkaas waxshanimada aha gaysatay.

ONA/Nairobi

 

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay