Jaaliyada Ogadenya ee ku dhaqan magaalada Qaahira ee caasimada wadanka Masar ayaa waxay qabteen Xaflad balaadhan oo lagu xusaayay sanad guuradii 33 aad ee kasoo wareegtay aas aaskii jabhada wadaniga xoraynta Ogadenya JWXO.

Xaflada ayaa waxaa kasoo qayb galay xubnaha jaaliyada Ogadenya iyo dadwayne somaliyeed oo aad u tiro badan xaflada ayaaa waxaa wacdaro ka muujiyay kooxda fanka ee Duufaan Qaran kuwaas oo kusoo bandhigay heeso wadani ah gabayo iyo riwaayado ka turjumaayay xaqiiqada ka jirta Ogadenya dhibaatada iyo tacadiyada gumaysiga.

Xaflada ayaa waxay kusoo dhamaatay si guul ah waxaana idiin soo gudbin doonaa hadii ale yidhaahdo warbixinta oo dhamays tiran.

ONA/Qahira.

  

 

Comments are closed

Sorry, but you cannot leave a comment for this post.

 
 

ILAYS TV Shirwynihii JWXO maalinkii 1 aad Qaybtii u dambaysay